XASAASI: Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Quique Setién Kadib Kulan Xasaasi Ah Oo Ay La Qaateen Tababaraha

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo xasaasi ah la qaatay tababaraha kooxda ee Quique Setién kadib bar-barihii sabtdii ay kooxdu la gashay Celta Vigo.

Idaacada RAC1 ayaa sheegaysa in uu Bartomeu la kulmay Quique Setién ka hor kulanka caawa ee Atletico Madrid iyaga oo ay weheliyaan Agaasimaha ciyaaraha ee Eric Abidal iyo waliba agaasimaha kooxda 1-aad ee Javier Bordas iyo gudoomiyaha Óscar Grau.

RAC1 ayaa sheegaysa in uu Bartomeu taageero u muujiyay tababare Setien halka uu sidoo kale kala hadlay khilaafkii soo kala dhexgalay tababaraha iyo xiddigaha kadib bar-barihii Celta Vigo.

Isla idaacada ayaa sheegaysa in uu madaxweynaha kooxdu u balan qaaday in aan shaqada la caydhin doonin wax walba oo dhaca laakiin looga baahanyahay in uu wax ka badalo kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Arintan ayaa meesha ka saaraysa wararkii saacadihii ugu dambeeyay sheegayay in tababaruhu shaqadiisa waayi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ayna kooxdu koobab ku guulaysan.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*