XASAASI: Barcelona Oo Go’aamisay Wakhtiga Ay Shaqada Ka Caydhin Doonto Ronald Koeman.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay shaqada ka caydhiso Ronald Koeman kadib kulanka Atletico Madrid ee sabtida horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa horyaalka ku jirta guuldaro la’aan laakiin waxa laga dhaliyay 6 gool iyo 9 kale oo champions League ah ilaa haatan iyaga oo laba guuldaro ku bilowday champions League.

Mustaqbalka Koeman ayuu shaki ku jiray tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore iyada oo la sheegayay in uu tababaruhu shaqadiisa waayi karo xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Barcelona shaqada ka caydhin doonto kadib kulanka Atletico Madrid wax walba oo ay noqoto natiijada ciyaartu iyada oo uuna tababaruhu kaydka fadhiyi doonin kulanka sabab la xidhiidha ganaax.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona haatanba la xidhiidhay dhawr tababare oo ay ka mid yihiin Roberto Martinez, Andrea Pirlo iyo Xavi kuwaas oo wax laga waydiiyay qabashada shaqada kooxda.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*