XASAASI: Arsenal Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Saxiixa Sergio Aguero.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si Rasmi ah ula xidhiidhay wakiilada xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero sida ay sheegaayaan wararku.

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay weeraryahan cusub ku soo darto kooxdeeda suuqa xagaaga xilli uu Mikel Arteta dhisayo koox u tartanta premier League xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Football.london ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta doonayo in uu Xiddiga kula midoobo Emirates marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Warkan ayaa imanaya kadib markii ay Man City xaqiijisay in uu Sergio Aguero qaab xor ah uga tagi doono kooxda Man City marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal si toos ah ula xidhiidhay wakiilada xiddiga si ay ugu qanciyaan in uu ka soo dago Emirates xagaaga si uu mar kale uga hoos shaqeeyo Mikel Arteta.

Sergio Aguero ayaa Arteta kula soo shaqeeyay Man City markii uu tababaraha Arsenal caawiyaha u ahaa Pep Guardiola iyo Kooxda Man City ka hor intii uuna Arsenal u noqon tababaraha 1-aad ee kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*