XASAASI: Arsenal Oo Si Lma Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Xiddig Liverpool Laf Dhabar U Ah.

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu cad-cad saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Jordan Henderson sida ay sheegayaan wararku xilli ay kooxdu doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa Reds ku soo biiray xagaagii 2011 waxana uu noqday xiddig muhiim u ah inkasta oo uu dhaleecayn la kulmay bilowgii xirfadiisa ciyaareed isaga oo kooxda kula guulaystay koobabka Premier League iyo Champions League.

Si kasta ha ahaatee Henderson ayay 2 sano uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Liverpool waxana jira warar sheegaya in uu uu isaga tagi doono kooxda kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Wargayska Th Athletic ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Arsenal si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Mikle Arteta ayaa Jordan Henderson u arka badalka tooska ah ee Granit Xhaka kaas oo dhankiisa la filayo in uu isaga tago kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*