Tababaraha Arne Slot ee Liverpool ayaa toddobaadyo la kulmayay khatar shaqo ka cayrin ah – balse warbixin lama filaan ah ayaa sheegaysa in ninka reer Holland laga yaabo inuu iscasilo ka hor inta maamulka kooxdu aysan fursad u helin inay shaqada ka ceyriyaan.
Arne Slot ayaa ku guuleystay Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu la joogay Liverpool, balse xaaladdu si fiican uma socon xilli ciyaareedkan labaad.
Kadib kharash badan oo ay sameeyeen xagaagii, Liverpool waxay haatan ku jirtaa kaalinta shanaad ee horyaalka, mana jirto fursad ay ku difaacaan horyaalka, iyadoo xitaa ay wajahayaan dagaal adag oo ay ugu jiraan inay u soo baxaan UEFA Champions League.
Mustaqbalka tababaraha ayaa bilo badan shaki ku jiray, iyadoo xiriirkiisa adag ee uu la leeyahay Mohamed Salah uu sii kordhiyay walaaca jira.
Inkastoo dad badan ay filayaan in Slot shaqada laga eryi doono, warbixin uu qoray Indykaila ayaa sheegaysa in tababarihii hore ee Feyenoord uu go’aansan karo inuu iskiis uga tago shaqada halkii laga eryi lahaa.
Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf sii kordhaya oo u dhexeeya Arne Slot iyo maamulka kooxda, kaasoo keeni kara in tababaraha 47-jirka ah uu iscasilo.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Arne Slot uu doonayo heshiis cusub oo uu ka helo Anfield, balse heshiiskaas waxaa lagu xiri doonaa shuruudo ay guddiga maamulka ku darayaan oo uusan tababaruhu raalli ka ahayn.
Arrintan ayaa halis u ah inay keento kala qaybsanaan, taasoo ugu dambayn sababi karta in tababaruhu iscasilo.
Be the first to comment