XASAASI: Arintan Ma La Macno Tahay In Uu Robert Lewandowski Noqday Xiddig Barcelona Ah.

Wakiilka Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa in uu bakhaarada Barcelona ka iibsaday maaliyada kooxda Barcelona oo uu dhabarka kaga qoranyahay magaca xiddiga uu wakiilka u yahay xilli xiddiga lala xidhiidhinayo Camp Nou.

33 jirka ayaa qirtay in uu doonayo in uu ka tago Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa la rumaysanyahay in ay doonayso Robert Lewandowski iyada oo Xavi doonayo in uu ku xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay saxafiga Gerard Romero, Wakiilka Robert Lewandowski ee Pini Zahavi ayaa iibsaday 10 maaliyad oo kooxda Barcelona ah oo uu dhabarka kaga qoranyahay magaca xiddiga.

Kadib sanado uu koobab badan kula guulaystay Bayer, Robert Lewandowski Ayaa doonaya taran cusub waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxdiisa xagaaga.