XASAASI: Arintan Ma La Macno Tahay In Kooxaha Liverpool, Real Madrid, Barcelona & Juventus Laga Reebay Champions League Xilli Ciyaareedka Cusub.

Xidhiidhka Kubada cagta yurub ee UFEA ayaa u muuqda mid si maldahan u sheegay in 4 kooxood laga reebi doono tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub.

UEFA ayaa isku diyaarinaysa isku aadka Champions league xilli ciyaareedka cusub kadib markii la soo afjaray kulamadii is reeb-reebka ee tartanka oo maalmihii ugu dambeeyay socda.

UEFA ayaa sidaas darteed soo saartay muuqaalka hordhaca ah ee UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka cusub waxana muuqaalka laga dhexwaayay 4 kooxood kuwaas oo uu haatan shaki ku jiro ka qayb galkooda.

Shabakada MadridSport ayaa soo bandhigtay muuqaalka oo ay ka maqanyihiin 4 kooxood oo ka mid ah kooxaha u soo baxay tartanka xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay kaalmaha hore ka galeen horyaaladooda.

Shabakada ayaa sheegtay in muuqaalka laga dhexwaayay kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus kuwaas oo ka mid ah kooxaha kaliya ee wali ku jira tartankii muranka badan dhaliyay ee UEFA Super League.

Sidoo kale kooxda Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha laga dhexwaayay muuqaalka hordhaca u ah tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda taas oo wel-wel ku noqonaysa kooxahaas oo dhamaantood ka qayb ahaa tartankii UEFA Super League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*