XASAAS: Arsenal Oo Isku Diyaarinaysa Ka Hadhista Horyaalka Premier League, Qorshe Ayay Dajiyeen.

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa suurtagalnimada ay horyaalka uga hadh karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 15-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo helay 14 dhibcood ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaan wax guul ah gaadhin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League iyaga oo Everton kala kulmay guuldaradii ugu dambaysay.

Kooxda Arsenal ayaa bilowday isku diyaarinta suurtabalnimada ay ugu dambayn xilli ciyaareedkan uga hadhi karaan horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa haatanba xiddigaha kooxda u sheegtay in ay 25% hoos u dhigi doonaan mushaharkooda hadii ay dhacdo in ay kooxdu ka hadho horyaalka premier League.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Arsenal ku jirto xaalad dhaqaale oo xun sabab la xidhiidha booska ay kaga jirto horyaalka premier League.

Sidaas darteed kooxda ayaa haatanba u sheegtay dhamaan xiddigaha kooxda 1-aad in ay fishaan hoos u dhigid 25% ah oo mushaharkooda ah hadii ay kooxdu u dhaadhacdo heerka 2-aad ee England.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*