Man United Oo Diyaarisay Xiddigaha Ay Iska Iibinayso Suuqa January

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay ka takhalusto ilaa 7 ciyaaryahan suuqa kala iibsiga ee bisha January.

Red Devils ayaa suuqii ugu dambeeyay ee xagaaga si xoogan u gashay iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Cristiano Ronaldo, Jadon Sancho iyo Raphael Varane si ay ugu xoojiso kooxda.

Si kasta ha ahaatee kooxda Man United ayaan iska iibin xiddigo badan iyaga oo kaliya fasaxay laba xiddig waxana ay kooxdu u baahantahay in ay iska iibiso xiddigo dhawr ah.

Kooxda Man United ayaa la rumaysanyahay in ay xagaaga dambe u dhaqaaqo xiddig khadka dhexe ah waxana lala xidhiidhinayaa xiddigaha Declan Rice iyo Jude Belingham.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay kooxda Man United isku diyaarinayo in ay iska dirto xiddigo 7 ah ka hor suuqa xagaaga dambe.

Wararka ayaa sheegaya in ay xiddigahaas kala yihiin Donny van de Beek, Diogo Dalot, Phil Jones, Eric Bailly, Anthony Martial & Alex Telles kuwaas oo aan ku jirin qorshaha Solskjaer.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Sir Cajiib Ah Oo Kordhisa Quruxda Gabadha In Ka Badan Waxyaabaha La Isku Qurxiyo, Xitaa Ragga Ayaa U Waaja Dumarka Sidaas Sameeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*