Xaqiiqooyinkii & Rikoodhadii Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man United Ku Tumatay Aston Villa.

Kooxda Man United aya guul weyn ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka Premier League kulan ka dhacay garoonka Villa Park.

Goolal ay dhaliyeen Bruno Fernandes, Mason Greenwood Iyo Paul Pogba ayaa Man United ka caawiyay in ay gaadho guul 3/0 ah oo muhiim ah kana caawiysay in ay ku dhawaadaan kooxda kaalinta 4-aad ee Leicester City.

Kulanka waxa laga diwaan galiyay xaqiijooyin iyo rikoodho cajiib ah oo ay Man United kala baxday hadaba halkan hoose kaga bogo rikoodhadaas iyo xaqiiqooyinkaas.

Bruno Fernandes wuxuu si toos ah ugu lug lahaa 12 gool 10-kii kulan ee ugu horreysay Premier League (7 gool, shan caawin), kaliya Mick Quinn oo ku lug lahaa 13 gool ayaa ka badan Fernandes taariikhda tartanka.

2.Manchester United ayaa ku guuleysatay 13 rigoore xilli ciyaareedkan Premier League waana kooxda ugu badan ee xilli ciyaareed kaliya lagu abaalmariyo rikoodhayaal sidaas u badan waxana la mid ah kooxaha Leicester 2015-16 & Crystal Palace 2004-05.

3.16.5% Man United ayaa lagu abaalmariyay 13 ka mid ah 79 rikoodhe oo laga dhigay xilli ciyaareedkan premier League waana cel-celis ahaanta ugu badan ee taariikhda horyaalka.

3.Mason Greenwood waa cayaaryahankii afaraad ee da’adiisu tahay 18 ama ka yar kaasoo shabaqa soo taabtay seddex kulan oo isku xigta Premier League ka dib Danny Cadamarteri (1997), Michael Owen (1997 & 1998) iyo Francis Jeffers (1999).

4.Mason Greenwood ayaa ah da’yarkii 2-aad ee Man United gool u dhaliya 3 kulan oo xidhiidh ah premier League isaga oo jira 18 sano iyo 282 maalin kadib Wayne Rooney oo sidaas sameeyay bishii February 2005 isaga oo jiray 19 sano 125 maalin.

5.Bruno Fernandes ayaa diiwaangaliyay lix caawin kadib 10 kulan oo uu saftay Premier League, waana midka ugu badan isaga oo la mid ah xiddigaha Arjen Robben, Ángel Di María, Mesut Özil, Lee Sharpe, David Ginola & Dusan Tadic.

6.Manchester United ayaa ah kooxdii ugu horaysay ee taariikhda premier League 4 kulan oo xidhiidh ah ku badisay 3 gool iyo wax ka badan iyada oo kooxdii ugu dambaysay ee sidaas samaysa ahayd Liverpool taas oo sidaas samaysay October 1987-kii.

7.Man United ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee ka badisa koox maalin walba oo todobaadka ah taariikhda premier League iyada oo Aston Villa tahay kooxdii ugu dambaysay ee ay rikoodhkaas ku diwaan gashatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*