Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Chelsea Garaacday Crystal Palace.

Kooxda Cheslsea ayaa guul ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa todobaadkii 4-aad ee horyaalka premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Goolal ay dhaliyeen Ben Chilwell, Kurt Zouma iyo Jorgnho (2) ayaa Blues ka caawiyay in ay gaadho guul ay u qalantay kulanka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Blues garaacday Crystal Palace.

1.Ben Chilwell ayaa noqday xiddigii 23-aad ee gool u dhaliya Chelsea kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka premier League iyo xiddigii ugu horeeyay ee u dhashay England tan ilaa Paul Hughes kaas oo sidaas sameeyay January 1997.

2.Ben Chilwell ayaa noqday xiddigii 3-aad ee gool dhaliya mid kalena caawiye ka noqday kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League uu chelsea u ciyaaray kadib Deco oo sidaas sameeyay August 2008 iyo Alvaro Morata oo sidaas sameeyay August 2017.

3.Jorginho ayaa 10 ka mid ah 11 rigoore oo uu u laaday Chelsea tartamada oo dhan waxana laga qabtay midkii Liverpool ee bishii September.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Cusbitaalka La Dhigay & Xaaladiisa Oo Sii Xumaanaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*