Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray.

Waxa la soo afjaray kulamada lugta hore ee wareega 8 dhamaadka champions League oo xalay la ciyaaray iyada oo haatan la isku diyaarin doono wareega Lugta 2-aad ee tartanka ugu xiisaha badan qaarada yurub.

Kooxda Chelsea ayaa hal lug la gashay Semi-final-ka kadib markii ay guul 2/0 ah ka gaadheen kooxda Sevilla oo ay marti u yihiin kulanka lugta 1-aad ee tartanka.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa garaacday kooxda difaacanaysa champions League ee Bayern Munich kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood soo bandhigeen.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiya kulanka:

1.Thomas Tuchel ayaa noqday kaliya tababarihii 2-aad ee chelsea ee guul gaadha 3-diisii kulan ee ugu horeeyay ee wareega Bug baxa ee tartanka champions league waxana ka horeeya kaliya Roberto Di Matteo kaas oo kooxda kula guulaystay snaadkii 2012.

2.Goolkii uu Kylian Mbappé ka dhaliyay Bayern Munich ee 1-aad ayaa ahaa Goolkii ugu deg-dega badnaa ee laga dhaliyo Bayern Munich wareega bug baxa ee tartanka champions League tan ilaa bishii March 2010 markaas oo uu Rooney ka dhaliyay 63 il bidhiqsi

3.Tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay saftay champions League xilli ciyaareedkii 2013/2014 Neymar ayaa caawiye ka noqday 25 gool oo champions league ah waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay wakhtigaas.

4.Mason Mount ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa chelsea ee gool u dhaliya champions league wareega Bug baxa isaga oo jira 22 sano iyo 87 maalin.

5.Tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee ay Neymar iyo Kylian Mbappe wada ciyaareen kulan champions League labada xiddig ayaa iska caawiyay 10 gool oo tartanka ah waaxana ay ka badan yihiin 3 gool laba xiddig oo kasta oo weerarka ka wada ciyaara wakhtigaas.

6.Kylian Mbappé ayaa dhaliyay 8 gool champions League xilli ciyaareedkan waana xiddiga 2-aad ee reer France ee goolashaas dhaliya isaga oo bar-bareeyay xiddigaha reer France ee sidaas sameeyay ee Wissam Ben Yedder iyo David Trezeguet.

7.Markii ugu horaysay tan ilaa March 2012 kulan champions League ah chelsea ayay gool u dhaliyeen laba xiddig oo Enland ah kuwaas oo kala ah Mason Maunt iyo Ben Chilwell waxana sidaas kaga horeeyay John Terry iyo Frank Lampard oo sidaas sameeyay kulan ay la ciyaarayeen Napoli.

8.Goolhaye  Edouard Mendy ayaa kulamada ugu badan shabaqiisa ilaashaday tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday chelsea waana Goolhayaha ugu badan ee sidaas sameeyay tartamada oo dhan tan ilaa wakhtigaas isaga oo 10 kulan shabaqiisa ilaashaday.

9.Joshua Kimmich ayaa smaeeyay 10 fursadood kulankii PSG waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay kulan kaliya oo champions League ah tan ilaa 2011 markaas oo uu Mesut Ozi u sameeyay Real Madrid 12 fursadood kulan ay la ciyaarayeen Tottenham.

10.Bayern Munich ayaa laga badiyay kulankii ugu horeeyay ee champions League ah tan ilaa March 2019 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Liverpool, 4-tii guuldaro ee ugu dambaysay waxa ay ka timid 4 tababare oo kala duwan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*