Xaqiiqooyinka Waalida Ah Ee Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man United Xasuuqday Southampton

Kooxda Man United ayaa si baas u xasuuqday kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Old Trafford.

Man United ayaa 9 gool ka dhalisay 9 xiddig oo Southampton ah kadib markii laba kaadh oo casaan ah loo taagay kooxda Southampton kulanka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulnaka.

1.Xiddiga kooxda Southampton ee Alexandre Jankewitz ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee kaadhka cas loo taago Premier League labada daqiiqo ee ugu horaysa ciyaarta tan ilaa Gareth McAuley kaas oo ciyaarta laga saaray bishii March 2015 kulan ay Man City la ciyaaraysya West Brom.

2.Kaliya Mohamed Salah (21) iyo Harry Kane (19) ayaa goolal ka badan tartamada oo dhan Marcus Rashford xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 16.

3.Southampton waa kooxdii ugu horeysay ee ciyaartoy casaan loo taagay isla markaana gool iska dhalisa kulan Premier League ah oo ay Old Trafford kula ciyaareen Manchester United tan iyo Sunderland bishii October 2009.

4.Man United ayaa dhalisay 4 gool qaybta hore ee kulan premier League ah markii 2-aad xilli ciyaareedkan iyaga oo ka dhaliyay Leeds United, waa markii ugu horaysay ee ay 4 gool iyo wax ka badan dhaliyaan qaybta hore laba kulan xilli ciyaareed tan ila 1997/98.

5.Luke Shaw ayaa sameeyay caawinta ugu adan ee premier League qaybtii hore ee kulankii Southampton isaga oo sameeyay 2 caawin waxana uu ka badan yahay intii uu sameeyay 45-kii kulan ee hore ee premier League.

5.Manchester United ayaa dhalisay lix gool kulan Premier League ah markii labaad xilli ciyaareedkan iyaga oo 6/2 uga badiyay Leeds United, waana markii ugu horaysay ee ay aba jeer dhaliyaan 6 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareed tan ilaa 2000/20001 markaas oo ay ka dhaliyeen Brandford iyo Arsenal.

6.Kulankii Soutahmpton ayaa ahaa markii 3-aad ee ay koox ku badiso premier League 9 gool iyo wax ka badan kooxda Man United ayaana samaysay labadii jeer ee hore:

1995 Manchester United 9-0 Ipswich Town

2019 Southampton 0-9 Leicester City

2021 Manchester United 9-0 Southampton

7.Man United ayaay goolal u dhaliyeen 7 xiddig oo kala duwan kulankii Southamton marka laga reebo goolkii ay Southampton iska dhalisay waana markii 2-aad ee ay taariikhda Premier League koox gool u dhaliyaan 7 xiddig oo kala duwan kadib chelsea oo sidaas ku samaysay Aston Villa bishii December 2012.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*