Xaqiiqooyinka Waalida Ah Ee Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man City Xasuuqday Liverpool.

Kooxda Man City ayaa xasuuqday Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha İlkay Gündoğan (2), Raheem Stering iyo Phil Foden ayaa Man City ka caawaiyy in ay gaadho guul ay u qalmeen iyaga oo ku tuntay Liverpool.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.4 ka mid ahaa 6-dii rikoodhe ee ay Man City laagatay Premier League ayaa gabi ahaan dhaafay goolka iyaga oo 3 ka mid ah ay ku laagteen Liverpool.

2.Tan ilaa markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka 15 bishii December xiddiga Ilkay Gündoğan ayaa ugu yaraan dhaliyay 2 gool xiddigaha kale ee Man City isaga oo dhaliyay 8 gool.

3.Mid kasta oo ka mid ah 4-tii gool ee ugu dambeeyay ee laga dhaliyay Anfield premier League waxa looga hor maray Liverpool waana markii ugu horaysay ee 4 gool looga hor maro Liverpool kulan ay ku ciyaarayaan Anfield intii u dhexaysay April iyo May 1999.

4.Rikoodhihii uu dhaliyay mohamed Salah ayaa soo afjaray 410 daqiiqo oo aan Premier League loogu dhigin Rikoodhe.

5.Raheem Sterling ayaa ah kaliya xiddigii 3-aad ee dhaliyay 100 iyo wax ka badan tartamada oo dhan intii uu ka hoos ciyaarayay Pep Guardiola xirfadiisa tababare kaliya Lionel Messi oo dhaliyay 211 iyo Sergio Aguero oo dhaliyay 120 gool ayaa ka badan.

6.Phil Foden ayaa ah xiddigii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya mid kalena caawiye ka noqda premier League kulan uu Liverpool kaga hor tagay Anfield.

7.Phil Foden ayaa dhaliyay 10 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waana xiddiga 2-aad ee ugu da’da yar ee dhaliya goolashaas 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

8.Kooxda Man City ayaa haatan bar-baraysay rikoodhka guulaha xidhiidhka ah ee ugu badan taariikhda England tartamada oo dhan iyaga oo badiyay 14 kulan oo xidhiidh ah sidaasna ku bar-bareeyay rikoodhkii ay dhigeen kooxaha Preston 1892 & Arsenal 1987.

9.Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horaysya ee 3 kulan oo xidhiidh ah looga badiyo garoonkeeda xilli ciyaareed gudihiis tan ilaa markii ay chelsea sidaas smaaysay bishii March 1956.

10. Kadib 23 kulan oo la ciyaaray Premier League Liverpool ayaa haatan leh 40 dhibcood waxana ay 27 dhibcood ka yartay dhibcihii ay heshay xilli ciyaareedkii hore oo ahayd 67 dhibcood waana hoos u dhici ugu weynaa ee ay koox difaacanaysa horyaalka samayso taariikhdiida England.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*