Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii La Garaacay Man United.

Kooxda Man United ayaa guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka champions League kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Young Boys.

Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Young Boys inkasta oo ay ku hor mareen goolka furitaanka qaybtii hore ee ciyaarta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka

Cristiano Ronaldo ayaa saftay kulankiisii 177-aad ee champions league isaga oo bar-bareeyay rikoodhkaas oo uu dhigay Iker Casillas waana labada xiddig ee ugu safashada badan taariikhda tartanka.

Manchester United ayaa laga badiyay 7 ka mid ah 11-kii kulan ee champions league ee uu Solskjaer hogaaminayay waana in ka badan intii laga badiyay 20-kii kulan ee tartanka intii ay hogaaminayeen tababarayaasha Louis van Gaal & José Mourinho.

Young Boys ayaa noqotay kooxdii 36-aad ee uu Cristiano Ronaldo gool ka dhaliyo champions league waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay isaga oo la mid ah Lionel Messi.

68 kulan oo uu ciyaaray Champions Leageu tan ilaa markii uu 30 jir noqday, Ronaldo ayaa dhaliyay 63 gool, waxana uu 35 ka badan yahay xiddig kasta oo 30 jir ah taariikhda champions League.

Aaron Wan-Bissaka ayaa noqda xiddigii ugu horeeyay ee Man United ah ee kaadh cas oo toos ah loo taago champions League tan ilaa Nani markii kaadhka cas loo taagay sanadkii 2013.

Man United ayaa kaliya shabaqeeda ilaashatay hal kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay champions league intii uu Ole Gunnar Solskjær hogaaminayay kooxda.

Man United ayaa kaliya laba jeer laad la heshay goolka Young Boys kulanka, waana intii ugu yarayda tan ilaa 2003/2004 waana markii ugu yarayd ee ay sidaas ku dhacdo.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*