Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Tottenham Garaacday Arsenal.

Kooxda Tottenham ayaa garaacday Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana tirsanaa todobaadkii 36-aad ee horyaalka.

Goolal ay dhaliyeen Kane (2) iyo Son ayaa Tottenham ku hogaamiyay guul ay u qalmeen horyaalka premier League kulan North London Derby ahaa.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Kaadhkii casaankii ahaa ee loo taagay Rob Holding daqiiqadii 33-aad ayaa ahaa khaadkii ugu dhakhsaha badanaa ee North London Derby Premier League tan ilaa November 2012 markaas oo Emmanuel Adebayor loo taagay kaadhka cas daqiiqadii 18-aad.

2.Arsenal ayaa loo taagay kaadhkii casaa ee 13-aad tan ilaa markii uu Mikel Arteta tababaraha u noqday Arsenal premier League taas oo ka dhigaysa kooxda kaadhadhka ugu badan ee kooxaha kale.

13 – Arsenal

8 – Brighton

7 – Southampton

7 – Everton

3.Rob Holding ayaa sameeyay 4 khakad kulankii Tottenham isaga oo dhamaan 4-ta khalad ku sameeyay Son Heung-min Isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee 4 khalad galay kaliya 33 daqiiqo oo ciyaarta ah.

4.Tottenham ayaa 3 iyo wax ka badan ka dhalisay premier League iyada oo la ciyaaraysa Arsenal markii ugu horyasay taariikhdeeda.

5.Tottenham ayaa 3 kulan oo xidhiidh ah oo ay joogto garoonkeeda ka badisay Arsenal markii ugu horaysay tan ilaa August 1961 Xilli ay tahay guusheedii ugu weynayd ee ay ka gaadhay Gunners tan ilaa April 1983 (5-0).