Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Sheffield United Garaacday Man United.

Kooxda Man United ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Sheffield United Kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa lagu garaacay 2/1 xilli ay Sheffield United Guusheedii 2-aad ee Premeir League ka gaadhay kooxda Man United.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Man United guuldarada kala kulantay Sheffield United.

1.Man United ayaa guuldaro kala kulantay 2 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay garoonkeeda kooxaha maalinta ku bilowday kaalinta ugu hoosaysa premier League 1/0 Vs West Ham ah iyo 1/0 kale oo West Brom ah.

2.Sheffield United ayaa Man United ka gaadhay guusheedii ugu horaysay horyaalka premier League iyaga oo ku ciyaaraya Old Trafford markii ugu horaysay tan ilaa December 1973.

3.Sheffield United ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee ka soo jeeda Gobolka Yorshire ee guul Man United kaga soo gaadhay Old Trafford premier League.

4.Dhamaan 4-tii gool ee uu Harry Maguire u dhaliyay premier League ayaa ahaa kuwo madax ah oo waliba koorne ka yimid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*