Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Real Madrid Garaacday Barcelona.

Kooxda Real Madrid ayaa garaacday kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona kulan ka tirsanaa todobaadkii 30-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen Toni Kroos iyo Karim Benzema ayaa Los Blancos ka caawiyay guul ay ka gaadheen kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka.

1.Karim Benzema ayaa dhaliyay 9 ool 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liaga uu u ciyaaray kooxda Los Blancos waxana uu noqday xiddigii 4-aad ee Real madrid ee xidhiidh u dhaliya gool 7 kulan tartanka horyaalka La Liga kadib xiddigah Ruud van Nistelrooy, Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale.

2.Toni Kroos ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee laadka xorta aha intii uu joogay kooxda Real Madrid tartamada oo dhan.

3.Xiddiga Óscar Mingueza ayaa noqoday daafacii ugu horeeya ee gool u dhaliya Barcelona kulanka El Clasico tan ilaa bishi April 2014 markaas oo uu Marc Bartra u dhaliyay Barcelona.

4.Xiddiga Csemiro ayaa kaadhka cas loo taagay markii 2-aad intii uu joogay Real Madrid kadib 478 kulan oo tartamada oo dhan ah iyada oo markii hore loo taagay kaadhka cas bishii march 2019 kulan ay Real Madrid la ciyaaraysay Real Valladolid.

5.Lionel Messi ayaa kulankii 7-aad oo xidhiidh ah ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo kooxda Real Madrid iyada oo wali sii socoto abaartiisa goolasha ee kulanka El Clasico.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*