Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man United Garaacday Tottenham.

Kooxda Man United aya guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 31-aad ee xilli ciyaareedka.

Goolal ay dhaliyeen Fred, Cavani Iyo Greenwood ayaa Man United ku hogaamiyay guul soo laabasho leh kadib markii Tottenham gool ku hor martay ciyaarta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay United guusha ka gaadhay Tottenham.

1.Xiddiga Son Heung-Min ayaa Man United ka dhaliyay 3 gool horyaalka premier league xilli ciyaareedkan waana intii ugu badnayd ee uu xiddig ka dhaliyo Red Devils xilli ciyaareed kaliya tan ilaa Sergio Agüero oo 3 gool ka dhaliyay United.

2.Xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii 4-aad ee uu xiddiga Son Heung-Min ugu yaraan 5 gool ku dhaliyay Labadiisa lugood isaga oo 8 gool ku dhaliyay lugta midig halka uu 5 gool ku dhaliyay lugta bidix.

3.Xiddiga Fred ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad ee premier League isaga oo goolkiisii hore dhaliyay September 2018 isaga oo ka dhaliyay kooxda Wolves.

4.5 Ka mid ah 7-dii gool ee uu Edinson Cavani ka dhaliyay Premier League waxa ay ahaayeen kuwo madax ah kaliya xiddiga Dominic Calvert-Lewin ayaa kaga badan goolasha madaxa ah isaga oo dhaliyay 6 gool.

5.Mason Greenwood ayaa noqda xiddigii ugu da’da yaraa ee gool dhaliya sidoo kale caawiye noqda kulan Man United ah premeir League tan ilaa Cristiano Ronaldo oo sidaas sameeyay 2003.

6.Kooxda Man United ayaan guuldaro la kulmin 23 kulan oo premier League ah oo ay marti tahay waana kooxda 2-aad ee taariikhda Premeir League rikoodhkaas leh kadib Arsenal oo aan 27 kulan laga adin intii u dhexaysay April 2003 iyo September 2004.

7.Tababare Jose Mourinho ayaa laga badiyay 10 kulan xilli ciyaareed kaliya waana markii ugu horaysay ee ay sidaas ku dhacday xirfadiisa Tababaranimo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*