Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man United Garaacday Burnley.

Kooxda Man United ayaa gaadhay guul ay u qalmeen iyaga oo garaacay kooxda Burnley kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kulan ka tirsanaa todobaadkii 32-aad ee horaalka.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Mason Greenwood (2) iyo Edinson Cavani ayaa Man United ka caawiyay in ay gaadho guul wakhti dambe ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Goolkii uu James Tarkowski ka dhaliyay Man United ayaa ah Goolkii 1000 ee laga dhaliyay Man United Premier League 14 il bidhqsi kadib markii Red Devils goolka ku hor martay.

2.Tan ilaa bilowgii dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore xiddiga Man United ee Mason Greenwood ayaa ah da’yarka goolasha ugu badan dhaliyay 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub isaga oo dhaliyay 14 gool lana bar-baro ah Jadon Sancho.

3.Mason Greenwood ayaa ah da’yarka ugu goolasha badan taariikhda Man United ee premier League isaga oo dhaliyay 15 gool lana bar-baro a Wayne Rooney.

4.Edinson Cavani ayaa haatan dhaliyay 4 gool isaga oo badal ku soo galay premeir League xilli ciyaareedkan kaliya Chicharito oo dhaliyay 5 goool iyo Ole Gunnar Solskjaer oo dhaliyay 5 ayaa kaga badan xilli ciyaareed kaliya.

5.Man United ayaa badisay 19 ka mid ah 32-kii kulan ee ay ciyaartay premier League waxana ay hal kulan dheeryihiin intii ay badiyeen xilli ciyaareedkii hore.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*