Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Xasuuqday Chelsea.

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ku soo xidhatay kulamada garoonkeeda ee horyaalka premier League kadib markii ay xasuuqeen kooxda Chelsea kulan 8 gool la kala dhaliyay.

Goolal ay dhaliyeen Naby Keita, Trent Alexander-Arnold, Georginio Wijnaldum, Roberto Firmino Iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa Liverpool ka caawiyay in ay garaacdo chelsea.

kadib guushaas chelsea ayaa diwaan galisay rikoodho badan oo cajiib ah kulanka:

1.Liverpool ayaa guuldaro ahayd garoonka Anfield xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah premier League taas oo ah markii ugu horaysay ee taariikhda kooxda.

2.Xiddigaha Andy Robertson & Trent Alexander-Arnold ayaa ah labada daafac ee ugu caawinta badan premier League iyada oo uu Andy Robertson sameeyay 27 caawin halka uu Trent Alexander-Arnold sameeyay 26 caawin.

3.Trent Alexander-Arnold ayaa caawiyay 13 gool oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan isaga oo jabiyay rikoodhkii uu isla isagu dhigay xilli ciyaareedkii hore oo ahaa 12 caawin.

4.Roberto Firmino ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee premier League ee Anfield xilli ciyaareedkan isaga oo aan wax gool ah dhalin 20 kulansoona afjaray 1,591 daqiiqo oo gool la’aan ah.

5.Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa dhaliyay 3 laad oo xor ah premier League kaliya xiddiga Jamie Redknapp oo 4 dhaliyay ayaa ka badan markii uu da’diisa jiray.

6.Naby Keïta ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad ee premier League ee Anfield isaga oo goolkii ugu dambeeyay dhaliyay April 2019 453 maalin ka hor.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Shirkii Wadatashiga Ee Dawlada Federaalka Somaliya & Dawladaha Xubnaha Ka Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*