Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Garaacday Leicester City

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Jonny Evans, Diogo Jota & Roberto Firmino ayaa Liverpool ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Goolkii uu Jonny Evans iska dhaliyay waxa uu ahaa midkii 6-aad ee uu si khaldan kooxdiisa uga dhaliyo Premier League waxana ka badan kaliya Richard Dunne (10), Jamie Carragher (7) & Martin Skrtel (7) oo si khaldan uga dhaliyay kooxdooda.

2.Diogo Jota ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda kooxda Liverpool oo gool ku dhaliya 4-ta kulan ee ugu horeeya ee uu ku ciyaaray garoonka kooxdiisa Anfield.

3.Goolkii Diogo Jota ee Liverpool ayaa yimid kadib 30 baas oo ay xiddigaha Liverpool isku dhiibeen waana midkii ugu badnaa tan ilaa 2006/2007 ee ay Reds samayso.

4.Roberto Firmino ayaa dhaliyay 2 gool 5-tii kulan ee ay Liverpool ku ciyaartay Anfield xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya hal gool Anfield ku dhaliyay dhamaan xilli ciyaareedkii hore.

5.Liverpool ayaan haatan wax guuldaro ah kala kulmin garoonkeeda 64 kulan oo premier League ah iyaga oo badiyay 53 kulan bar-barona galay 11 kulan waana rikoodhka ugu dheer ee taariikhda kooxda.

6.Sadio Mane oo Liverpool ku soo biiray sanadkii 2016 ayaan wali wax guuldaro ah kala kulmin garoonka Anfield marka uu ciyaarta ku bilowdo Premier League.

7.Tababare Jurgen Klopp ayaa kaliya 3 guuldaro oo Premier League ah kala kulmay Anfield tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*