Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Garaacday Arsenal.

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane, Andy Robertson Iyo Diogo Jota ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul soo laabasho leh kadib markii Gunners goolka ku hor martay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Alexandre Lacazette waa ciyaartoygii ugu horreeyay ee Arsenal ee gool dhaliya seddexda kulan ee ugu horeeya ee xilli ciyaareedka tan ilaa Olivier Giroud 2013-14.

2.Sadio Mane ayaa dhaliyay 4 gool 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee uu Anfield kaga hor tagay Arsenal.

3.Andrew Robertson ayaa gool dhaliyay ama caawiye ka noqday mid kale 7 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League isaga oo kaliya ku fashilmay kulankii chelsea.

4.Diogo Jota ayaa noqday xiddigii 13-aad ee kulankiisii ugu horeeyay ee premier League gool u dhaliyay Liverpool isaga oo ah xiddigii 2-aad ee goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool ka dhaliyay Arsenal kadib Sadio Mane.

5.Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ugu badan ee dhibco lumisa kadib markii ay gool ku hor martay premier League tan ilaa markii uu Mikel Arteta kooxda yimid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*