Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Bar-Baraha La Gashay Everton.

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro niyad jab leh la gaashay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro 2/2 ah iyada oo Liverpool labada jeerba hogaanka u qabatay ciyaarta ka hor inta ayna Everton ku soo laaban ciyaarta.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Everton:

1.Labo daqiiqo iyo 15 ilbiriqsi, Sadio Mané ayaa shabaqa soo taabtay Kulankii Everton waana goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee Merseyside derby ee Premier League iyo waliba goolkii 2-aad ee ugu dhaqsiyaha badnaa guud ahaan taariikhda kulanka tan ilaa 1999 markaas oo uu xiddiga Olivier Dacourt dhaliyay gool hal daqiiqo.

2.Kaliya labada ciyaaryahan ee Tottenham Harry Kane (9) iyo Son Heung-min (7) ayaa ku lug yeeshay goolal ka badan Premier League xilli ciyaareedkan marka loo eego James Rodríguez (3 gool, 3 caawin)

3.Mohamed salah ayaa dhaliyay goolkiisii ​​100-aad kulankiisii ​​159-aad ee Liverpool tartamada oo dhan kaliya Roger Hunt iyo Jack Parkinson ayaa gaaray rikoodhkaas kulamo ka yar kulamada Salah ciyaaray.

4.Dominic Calvert-Lewin ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Everton ah ee gool dhaliya 5-tii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka tan ilaa Tommy Lawton 1938-39.

5.Everton vs Liverpool ayaa ah kulanka ugu badan ee taariikhda premier League la bixiyay kaadhka cas iyada oo 22 kaar la bixiyay iyada oo 15 ka mid ah loo taagay Everton taas oo ah rikoodh.

6.Liverpool ayaan laga badinin 23kii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Everton tartamada oo dhan, waa rikoodhkoodii ugu dheeraa ee guuldaro la’aanta ay koox ku lahayd koox kale.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*