Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Chelsea Xasuuqday Crystal Palace.

Kooxda chelsea ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Selhurst Park kana tirsanaa horyaalka premeir League.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Kai Havertz, Christian Pulisic (2) iyo Kurt Zouma ayaa chelsea ku hogaamiyay guul ay u qalmeen kana gaadheen kooxda Crystal Palace.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii ay Blues garaacday Crystal Palace.

1.Goolashii ay dhaliyeen xiddigaha Kai Havertz & Christian Pulisic ayaa ah Labadii ugu dhakhsaha badnaa ee ay chelse ka dhalisay horyaalka premier League iyaga oo u baahday 10 daqiiqo markii ugu horaysay tan ilaa January 2018 iyaga oo 6 daqiiqo 2 gool uga dhaliyay Brighton.

2.Daafaca Kurt Zouma ayaa ay daafaca goolasha ugu badan ka dhaliyay premeir Leaue xilli ciyaareedkan

3.Dhamaan 4-ta gool ee uu Mason Mount Caawiyay premier League xilli ciyaareedkan waxa laga dhaliyay goolal madax ah iyada oo uu 3 ka mid ah dhaliyay Kurt Zouma.

4.Christian Benteke ayaa ku lug lahaa 9 gool oo uu chelsea kaga hor tagay Premier League 7 gool iyo 2 caawin ayuu ka dhaliyay.

5.Christian Pulisic ayaa goolashiisa ugu badan premier League ka dhaliyay kooxda Crystal Palace isaga oo ka dhaliyay 4 gool premier League.

6.Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii 2-aad ee taariikhda chelsea guul gaadha 6-diisii kulan ee ugu horeeyay ee martida kadib tababare Luiz Felipe Scolari

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*