Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Bar-Baraha Isku Dhaafi Waayeen Kooxaha Man City & Liverpool

Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa ku kala baxay bar-baro kadib kulan qaybtii hore si fiican u wada ciyaareen labada kooxood qaybtii dambena gabi ahaan maqnaayeen.

Goolalka waxa kooxohooda u kala dhaliyay xiddigaha Mohamed Salah iyo Gabriel Jesus kulan labada gool la dhaliyay qaybta hore ee ciyaarta.

Kadiaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiijooyinka laga diwaan galiyay kulanka.

1.Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaliyay 8 gool 8-da kulan ee Liverpool ee ugu horaysa xilli ciyaareedka waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeya taariikhda Reds ee 8 kulan ee furitaanka Premier League isaga oo la mid ah Fernando Torres oo sidaas sameeyay 2009/2010 iyo Robbie Fowler 1995/1996.

2.Goolkii Gabriel Jesus ee bar-baraha ayaa la dhiibay baasaska ugu badan kadib markii ay xiddiguhu 19 jeer isku dhiibeen kubada ka hor inta uuna goolka dhalin.

3.Rikoodhadii uu Kevin De Bruyne khasaariyay ayaa ah midii ugu horaysay ee gabi ahaan dhaafta birta premeir Leaggue tan ilaa October 2018 markaas oo uu Riyad Madrez isla sidaas sameeyay kulan u dhexeeyay Liverpool iyo Man City.

4.Kadib 35 kulan oo xidhiidh ah oo ay guul gaadheen markii ay ku hor mareen goolka intii u dhexaysay February Iyo July Liverpool ayaa ku fashilantay in ay guul gaadho 4 ka mid ah 7-dii kulan ee ay ku hor martay goolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*