Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Garaacday Kooxda Tottenham.

Kooxda Arsenal ayaa xasuuqday kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Emirates.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Bukayo Saka, Emile Smith Rowe Iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal ka caawiyay in ay gaadhaan guushoodii 3-aad oo xidhiidh ah premier League.

Hadaba Halkan Hoose waxa ana ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Bukayo Saka Ayaa ku bilowday kulankiisii 3-aad ee North London Derby Premier League waana xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay tan ilaa Gareth Bale ka hor inta uuna noqon 21 sano jir.

2.Xiddiag Emile Smith Rowe oo jira 21 sano iyo 60 maalin waana xiddigii ugu yaraa ee Arsenal gool u dhaliyay Kulanka North London Derby Premier League tan ilaa Alex Oxlade-Chamberlain isaga oo sidaas sameeyay bishii September 2014.

3.Arsenal ayaa dhalisay 3 gool 34 daqiiqo gudohood kulanka ay ka badisay Tottenham waana goolashii ugu dhakhsaha badanaa ee ay ka dhaliso Tottenham, Arsenal ayaan waligeed 3 gool dhalin qaybta hore.

4.Isaga oo jira 20 sano iyo 21 maalin, xiddiga Bukayo Saka ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee taariikhda premier League gool dhaliya mid kalena caawiye ka noqday kulanka North London Derby tan ilaa Cesc Fabregas oo sidaas sameeyay September 2007.

5.Emile Smith Rowe (21) & Bukayo Saka (20) ayaa gool isku caawiyay 5 jeer premier League waxana ay ka mid yihiin xiddigaha ugu yar ee sidaas sameeyay kaliya Cristiano Ronaldo & Wayne Rooney (8) ayaa sidaas ka sameeyay taariikhda premier League.

6.Tottenham ayaa noqotay kooxdii 2-aad ee taariikhda premier League ee badiya 3-da kulan ee ugu horeeya premier League laakiin laga badiyay 3-da kulan ee xigta kadib Everton oo sidaas samaysay 1993/1994.

7.Arsenal ayaa todobaadka ka dhamaysatay iyaga oo ka Sareeya Tottenham Prmeier League markii ugu horaysay tan ilaa 25 bishii October 2020.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*