Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Arsenal Garaacday Chelsea Kuna Guulaystay FA Cup-ka.

Kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Chelsea kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Goolal uu dhaliyay Kabtanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal ku hogaamiyay ku guulaysiga FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Hadaba halkan hoose kaga bogo xaqooqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Arsenal ku guulaystay FA Cuo-ka.

1.Mikel Arteta ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal kula guulaysta koob sanadkiisa ugu horeeya ah tan ilaa 1986/1987 markaas oo uu sidaas sameeyay George Graham.

2.Mikel Arteta ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee isaga oo xiddig iyo tababare ah kula guulaysta FA Cup-ka kooxda Arsenal.

3.Kooxda Arsenal ayaa ku guulaystay FA Cup-ka markii 14-aad ee taariikhdooda waana kooxda ugu badan halka ay sidoo kale noqdeen kooxdii ugu horaysay ee 3 jeer oo kala duwan koox kaliya ka qaada koobka FA Cup-ka.

4.Mateo Kovacic ayaa noqday xiddigii 6-aad ee Kadhka cas looga saaro Final-ka FA Cup-ka iyada oo labadii xiddig ee ugu dambeeyay yihiin kuwo u ciyaara chelsea Victor Moses ayaa ah xiddiga kale ee kaadhka looga saaray chelsea waxana uu ahaa Final ay la ciyaaraysay Arsenal sanadkii 2017.

5.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday xiddigii 5-aad ee 2 gool ku dhaliya Wembley isaga oo ka dambeeya xiddigaha Ian Wright, Bryan Robson, Ian Rush & Eric Cantona.

6.Tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay Arsenal bishii February 2018 Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay goolasha ugu badan tartamada oo dhan isaga oo ka badan xiddig kasta.

7.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee Arsenal u dhaliya Final-ka FA Cup-ka tan ilaa 1932 markaas oo uu Bob John dhaliyay isaga oo jiray 33 sano iyo 80 maalin.

8.Christian Pulisic ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee America u dhashay ee Gool dhaliya Final-ka FA Cup-a  halka uu goolka uu dhaliyay yahay goolkii ugu deg-dega badanaa ee ay Arsenal ka dhaliso Final-ka FA Cup-ka tan ilaa Roberto Di oo daqiiqadii 5-aad dhaliyay gool xilli ciyaareedkii 1997.

9.Willy caballero ayaa ah xiddigii ugu da’da weynaa ee Chelsea u ciyaara Final-ka FA Cup-ka isaga oo jira 38 sano iyo 308 maalin.

10.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda qaarada Africa ee ku guulaysta FA Cup-ka isaga oo kabtanka ah.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*