Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray.

Waxa xalay la ciyaaray qayb ka mid ha lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League iyada oo ay dheceen laba kulan kuwaas oo ay laba koox ku xaqiiqsadeen booskooda wareega Semi-final-ka tartanka.

Kooxaha Chelsea iyo PSG ayaa ah kooxaha goostay tigidhkooda wareea xiga waxana ay haatan sugi doonaan kooxaha ka soo baxa kulamada 2-aad ee wareega 8 dhamaadka si loo dhamaystiro Semi-final-ka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulamadii la ciyaaray xalay.

1.Xiddiga  Eric Maxim Choupo-Moting ayaa dhaliyay goolal ka badan 2-dii kulan ee uu PSG ka hor tagay champions League waana in ka badan intii uu u dhaliyay 10-kii kulan ee uu kooxda reer France u ciyaaray.

2.Kulankii Chelsea Vs Porto ayaa noqday kaliyakulankii 2-aad e champions League xilli ciyaareedkan ku fashilmay in ay wax kubad ah ku dhuftaan goolka qaybta hore ee kulanka halka uu kulanka kale yahay kulankii u dhexeeyay Dynamo Kyiv v Ferencvaros.

3.Goolkii uu xiddiga Mehdi Taremi dhaliay daqiqadii 94-aad ee ciyaarta ayaa ah goolkii ugu dambeeyay ee chelsea laag dhaliyo champions League tan ilaa April 2005 markaas oo uuu xiddig Bayern Munich ee Mehmet Scholl gool ka dhaliyay daqiqiadii 94-aad.

5.Chelsea ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka champions League 8 jeer waana in ka badan kooxaha kale ee reer England taariikhdooda.

6.Reebistii PSG ee Bayern Munich ayaa ah kooxdii ugu horaysya ee taariikhda champions League reebta kooxda difaacanaysa tartanka kulamada bug baxa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*