Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray.

Waxa xalay la ciyaaray kulamada champions League iyada oo ay kooxo badan ciyaareen isla markaas heleen natiijooyinka ay doonayeen.

Sidoo kale waxa jira kooxo aan helin natiijooyin fiican isla markaas laga badiyay ama bar-baro galay.

Kooxaha Man City, PSG iyo Real Madrid ayaa dhamaantood guulo galay sidoo kale kooxda Borussia Dortmund ayaa badisay.

Waxa laga badiyay kooxaha chelsea iyo Juventus kuwaas oo guuldarooyin kala kulmay kooxaha Dinamo Sagreb iyo PSG kulamadii ay ciyaareen.

Kadib kulamadii la ciyaaray xalay halkan hoose waxa aad kaga bogotaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii la ciyaaray.

1.Kylian Mbappé ayaa dhaliyay gool 5 daqiiqo oo kulanka champions League ah 5 jeer kaliya Lionel Messi oo dhaliyay 6 jeer ayaa kaga badan taariikhda tartanka.

2.Erling Haaland ayaa ah xiddigii 4-aad ee taariikhda Chamoions League gool dhaliya kulankiisa ugu horeeya 3 kooxood oo kala duwan Salzburg, Borussia Dortmund & Man City) kadib Fernando Morientes, Javier Saviola & Zlatan Ibrahimovic.

3.Erling Haaland waa xiddigii ugu horeeyay ee Man City u dhaliya goolkiisa ugu horeeya kulamada ugu horeeya ee uu u ciyaaray champions League iyo Premier League.

4.Jude Bellingham waa xiddigii da’yarka ahaa ee ugu horeeyay ee gool dhaliya champions League 3 xilli ciyaareed oo kala duwan (2020-21, 2021-22 & 2022-23).

5.Thomas Tuchel ayaa kulankii 10-aad hogaamiyay kooxda chelsea iyada oo 50-kiisii kulan ee ugu horeeyay laga dhaliyay 24 gool halka 53 laga dhaliyay 50-kiisii kulan ee ugu dambeeyay.