Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee La Ciyaaray.

Kooxda Barcelona ayaa garaacday Napoli kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka kulan ay Barcelona iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka.

Goolal ay dhaliyeen Lionel Messi, Suarez iyo Lenglet ayaa Barcelona ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah oo ka caawisay in ay gaadho wareega xiga.

Dhanka kale Bayern Munich ayaa xasuuq xun kula kacday kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa isla wareegan iyaga oo ku garaacay 4/1 kulan ka dhacay garoonka Allianz Arena.

Hadaba halkan hoose kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kualamada champions League ee la ciyaaray:

1.Chelsea ayaa laga dhaliyay 7 gool kulan laba lugood ah oo yurub ah markii ugu horaysay taariikhdooda.

2.16-kii gool ee ugu dambeeyay ee uu Luis Suarez ka dhaliyay champions League ayaa ka yimid garoonka Camp Nou.

3.Kooxda chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda champions league laga dhaliyo goolasha ugu badan xilli ciyaareedka iyaga oo laga dhaliyay 15 gool.

4.Lionel Messi ayaa gool ka dhaliyay 35 kooxood oo kala duwan ee tartanka champions League isaga oo laba dheer xiddiga ku soo xiga ee Cristiano Ronaldo.

5.Clement Lenglet ayaa ah xiddigii 83-aad kala duwan ee Barcelona gool u dhaliya tartanka champions League marka lagu daro goolasha ay kooxaha ay la ciyaarayaan iska dhaliyaan.

6.Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horaysya ee taariikhda champions league ku bilowda 3 xiddig oo reer England ah kuwaas oo jira 21 sano ama ka yar wareega bug baxa tartanka.

7.Guuldaradii 7/1 ahayd ee labada lugood ee ay Chelsea Kala Kulantay Bayern Munich ayaa ah guuldaradii 2-aad ee ugu weynayd ee ay koox Premier League ah kala kulanto taariikhda tartanka iyaga oo ka dambeeya guuldaradii Arsenal ee 10/2 ahady ee Bayern Munich ka soo gaadhay 2016/2017.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*