Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Guushii Liverpool Ka Gaadhay Aston Villa.

Kooxda Liverpool soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 30-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold ayaa Liverpool ku hogaamiyay guul soo laabasho leh oo ay u qalmeen kadib markii gool looga hor maray qaybtii hore ee ciyaarta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

1.Liverpool ayaan wax gool ah dhalin 127-kii laad ee ugu dambeeyay ee ay premeir League ku laadeen goolka kooxda ay la ciyaarayaan garoonkooda Anfield ka hor intii ayna ka bixin abaartaas.

2.Goolkii 1-aad ee uu Mohamed Salah u dhaliyay Liverpool ayaa soo afjaray 12 saac iyo 44 daqiiqo oo ayna Liverpool wax gool ah ka dhalin Anfield horyaalka premeir Leageu.

3.Goolkii uu dhaliyay xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa ah goolkii 37-aad ee guusha ee ay Liverpool dhalisay daqiiqadii 90-aad ama wixii ka dambeeya premier League waxana ay 12 gool ka badan yihiin koox walba oo kale.

4.Ollie Watkins ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee 4 gool ka dhaliya premier League kooxda Liverpool xilli ciyaareed kaliya tan ilaa Andrey Arshavin kaas oo sidaas sameeyay sanadkii 2009.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*