Xaqiiqooyinka Kulamada Isku Aaday Wareega 8 Dhamaadka Champions League

Waxa si Rasmi ah loo sameeyay isku aadka wareega 8 dhamaadka champions league oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh oo si weyn loo sugi doono.

Kulamada ay Man City la ciyaari doonto Borussia Dortmund sidoo kale Liverpool la ciyaari doonto Real Madrid iyo PSG vs Bayern Munich ayaa ah kuwa ugu xiisaha badan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doona xaqiiqooyinka kulamada isku aadka champions league ee la sameeyay.

1.Kaliya kulankii labada lugood ahaa ee ay Liverpool iyo Real Madrid wada ciyaareen waxa ay 5/0 guushu ku gaadhay kooxda Liveprool natiijada labada kulan wareegii 16-ka champions League xilli ciyaareedkii 2008/2009.

2.Taariikhda tartamada yurub xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ah xiddiga ugu badan ee Liverpool goolasha ka dhaliyay isaga oo ka dhaliyay 4 gool waxana uu la mid yahay Didier Drogba.

3.Man City ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha reer Germany taas oo ahayd guuldaradii ugu dambaysa kana soo gaadhay Bayern Munich markii uu Pep Guardiola hogaaminayay bishii October 2013.

4.Chelsea ayaa badisay mid kasa o ka mid ah 4-tii kulan ee ay Garoonkeeda kula ciyaartay Fc Porto kulamadaas ayaa dhamaantood ka yimid champions League waana rikoodhkooda ugu fiican ee tartanka.

5.Jürgen Klopp ayaa wajahay kulamada ugu badan Real Madri champions League waxana uu ku leeyahay rikoodh isku dheeli tiran 3 guul, 3 guuldaro iyo hal bar-baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*