Xaqiiqooyiinka Laga Diwaan Galiyay Guushii Ay Real Madrid Ka Gaadhay Barcelona.

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Camp Nou.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Casemiro, Sergio Ramos iyo Luka Modric ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay garaacaan kooxda Barcelona.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka kulanka laga diwaan galiyay.

1.Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa mar kale ka baxay El Clasico isaga oo aan gool ka dhalin waxana uu 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee El Clasico dhaliyay kaliya hal gool.

2.Sergio Ramos ayaa Barcelona ka dhaliyay goolkii 5-aad ee El Clasico.

3.Lionel Mess ayaan wax gool ah dhalin kulanka El Clasico kulankii 6-aad oo xidhiidh ah.

4.Sergio Aguero ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Real Madrid ah ee rikoodhe ka dhaliya kulanka El Clasico tan ilaa Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay rikoodhadii ugu dambeeyay bishii February 2013.

5.Sergio Ramos ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee rikoodhe dhaliya kulanka El Clasico kulan horyaalka La Liga ah tan ilaa Ruud van Nistelrooy kaas oo sidaas sameeyay March 2007.

6.Ansu Fati ayaa noqday xiddigii ugu da’yaraa ee gool ka dhaliya El Clasico isaga oo jiray 17 sano iyo 359 maalin isaga oo rikoodhkaas ka jabiyay Xiddiga Real Madrid ee Vinícius Júnior kaas oo jiray 19 sano iyo 233 maalin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*