Xaqiiqada Xiisaha Arsenal Ee Saxiixa Diego Costa Oo La Ogaaday.

Wararkaka imanaya dalka England ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqada wararka la xidhiidhinaya kooxda Arsenal saxiixa xiddiga Diego Costa marka la gaadho suuqa Jnauary.

Xiddiga Diego Costa ayaa haatan noqday xiddig xor ah kadib markii ay Atletico Madrid kansashay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Xiddiag reer Spain ee Diego Costa ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo la sheegayo in ay doonayso saxiixa xiddiga.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ayna Arsenal ka fikirayn helitaanka saxiixa xiddiga Diego Costa marka la gaadho suuqa January.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna kooxda Arsenal gabi ahaan ka fikirayn wakhtigan in ay la soo saxiixato xiddiga Diego Costa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*