Xaqiiqada Wararka Sheegaya Khilaafka Ka Dhexeeya Bruno Fernandes & Ole Gunnar Solskjaer Oo La Ogaaday.

MANCHESTER, ENGLAND - JANUARY 11: A thumbs up from Ole Gunnar Solskjaer manager of Manchester United after the Premier League match between Manchester United and Norwich City at Old Trafford on January 11, 2020 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Catherine Ivill/Getty Images)

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqada wararka sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes iyo tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer.

Waxa jira warar sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay xiddiga iyo tababaraha kadib guuldaradii 6/1 ahayd ee ka soo gadhay kooxda Tottenhma.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu xidhiidh la sameeyay qof ku dhaw Bruno Fernandes loona sheegay in ayna waxba ka jirin wararkaas oo uu xidhiidh fiican ka dhexeeyo xiddiga iyo tababaraha.

Ilo wareedyo ku dhaw xiddiga reer Portugal ayaa sheegaya in uuna wax khilaaf ah ka dhexayn xiddiga iyo waliba tababarihiisa si fiicana u wada xidhiidhaan.

Xiddiga ayaa haatan ku laabtay Manchester kadib markii uu dhamaystirya waajibaadka xulka qarankiisa ee labadii todobaad ee fasaxii xulalka.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Soo Saartay Caleemo Saarka Cuqaasha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*