Xaqiiqada Wararka Sheegaya Dalabka Ay Man United Ka Gudbisay Cristiano Ronaldo Oo La Ogaaday.

Wargayska Daily Mail ayaa shaaca ka qaada mawqifka Man United ee wararka sheegaya in ay doonayso saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmarayay wararka sheegaya in ay Juventus xagaaga dambe iska fasaxayso Cristiano Ronaldo si ay u dhinto mushaharkiisa aadka u badan.

Dhanka kale waxa jiray warar Cristiano Ronaldo la xidhiidhinayay Man United iyaga oo ay xitaa jireen warar sheegaya in ay United dalab Rasmi ah ka gudbisay Cristiano.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Mail oo la xidhiidhay dad ku dhaw kooxda Man United ayaa sheegtay in ayna Man United xita ka fikirayn saxiixda Cristiano Ronaldo wakhti xaadirkan.

Inkasta oo ay Man United soo dhawaynayso fikrada ah in uu Cristiano Ronaldo ku soo laabto Old Trafford maadama uu ka mid yahay halyeeyada kooxda Hadana marka la eego xaalada dhaqaale ee lagu jiro United ayaan awood u lahaynin ay soo celiso 35 jirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*