Xaqiiqada Wararka Man United La Xidhiidhinaya Sergio Aguero Oo La Ogaaday.

Saxafiga reer Italy ee Romeo Agreste ayaa sheegay in ayna kooxda Man United wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero.

Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero kaas oo si xor ah uga tagi doona kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Saxafiga Romeo Agreste aya bogiisa Twitter-ka ku sheegay in ay jirto kooxo badan oo doonaya saxiixa xiddiga reer Argentine laakiin ayna Man United ka mid ahayn kooxaha doonaya saxiixa xiddiga.

Isla saxafiga Romeo Agreste ayaa sheegaya in ayna Man United doonayn saxiixa xiddiga Aguero maadama ayna u baahnayn saxiixa xiddiga u ciyaara kooxda ay jaarka yihiin ee Man City.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*