Xaqiiqada Wararka Liverpool La Xidhiidhinaya Saxiixa Jack Grealish Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish sida ay sheegayaan wararku.

Jack Grealish ayaa ah xiddiga ugu fiican Aston Villa isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo qabtay indhaha kooxaha waaweyn ee premier League.

Kooxaha Man City iyo Man United ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga 25 jirka ah ee Jack Grealish waliba bisha January isku dayi doonaan in ay la soo saxiixdaan.

Sidoo kale waxa soo baxay warar sheegaya in ay Liverpool ku biirtay tartanka saxiixa xiddiga Jack Grealish kaas oo ay u doonayso badalka Mohamed Salah oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Laakiin wargayska Birmingham Live ayaa sheegaysa in ayna kooxda Liverpool wax xiiso u qabin saxiixa xiddiga reer England oo ayna xitaa qorshaynayn in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*