Xaaska & Caruurta Angel Di Maria Oo La Afduubtay Xilli Uu Xiddigu U Ciyaarayay Kooxdiisa PSG Kulankii Nintes.

Xiddiga kooxda PSG ee Angel di Maria ayay ku dhacda arin naxdin leh intii uu ku jiray kulankii ay kooxdiisu la ciyaaraysay kooxda Nintes ee horyaalka France.

Xiddiga reer Argentine ayaa ku bilowday shaxda Kooxdiisa waxana uu ciyaarayay kulanka xilli ay kooxdiisu doonaysay in ay guul ka gaadho kulanka.

Laakiin xiddiga ayaa la badalay daqiiqadii 62-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta kadib markii agaasimaha kooxda PSG ee Leonardo lagala soo xidhiidhay Telefoonka.

Wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in boolisku la soo xidhiidheen Agaasimaha si ay ugu sheegaan in la jabsaday Guriga Angel Di Maria waliba lagu dhex afduubtay caruurtiisa iyo xaaskiisa.

Leonard ayaa isla markiiba u sheegay tababare Mauricio Pochettino kaas oo dhankiisa badal deg-deg ah ku sameeyay xiddiga sidoo kale u raacay qolka labiska si uu ugu sheego dhacdada.

Xiddiga Di Maria ayaa isla markiiba si deg-deg ah u baxay si uu u aado qoyskiisa oo la afduubtay kadib markii ay tuug guriga jabsatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*