Xaalka Waa Xumaaday : Barcelona Oo Laba Doorasho Hor Dhigtay De Jong, Chelsea Waa Farxadeeda

Maamulka Barcelona ayaa ku war giliyay xiddigooda De Jong in ay qasab tahay in mushaarkiisa uu dhimo si uu kooxda u sii joogo xilli ciyaareedka bilaabanaya

Calaamad su`aal weyn ayaa dul saaran mustaqbalka De Jong ee Camp Nou , waxa ayna kooxda Xavi doonayaan in ay iibiyaan marka la eego dhibaatada dhaqaale ee ay marayaan balse laacibka waa uu diidan yahay .

Xiddigaan waxa uu xiiso weyn ka haystaa United iyo Chelsea xilli kooxda Tuchel ay qaaday talaabo aad ugu dhaweyneysa saxiixiisa

CBS ayaa haatan laga soo xiganayaa in maamulka Barca ku war giliyeen De Jong in kooxda uusan sii joogeyn illaa uu dhimo mushaarkiisa moyaanee .

Barca waxa ay dooneysaa in laacibka %50 uu dhimo mushaarkiisa waana arin ay adag tahay in laacibka uu ogalaado

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in hishiiska De Jong ee Barca u weli ka harsan yahay 4 sano , iyadoo sii joogitaankiisa ay keeneyso in Barca ku adkaato diiwaan gilinta xiddigaha cusub ee ay la soo hishiiyeen

Haddii laacibka uu diido in uu dhimo mushaarkiisa waxa loo dirayaa Chelsea oo haatan Barca la gaartay hishiis dhankiisa la xariira