Xaalada Diogo Jota Oo Laga Warbixiyay, Maxaa Ka Cusub Dhaawaciisa.

Fernando Santos ayaa sheegay in Diogo Jota laga yaabo inuu ku soo laabto Liverpool xilli hore haddii uuna taam u noqon kulanka Luxembourg.

Weeraryahanka ayaa seegay guushii saaxiibtinimo ee ay ka gaareen Qatar isbuucaan isagoo ka dhaawacan muruqa ilaa haatana ka maqan tababarka.

Santos ayaa aaminsan in ay jirto fursad aad u yar oo uu Jota kaga qayb gali karo kulanka caawa ee is reeb-reebka koobka adduunka ee uu xulka Portugal la ciyaari doono Luxembourg maadama uuna tababaruhu doonayn in uu halis galiyo xiddiga.

“Waxa uu tababartay wakhti waxana uu qaadan doonaa tababarka kaliga ah, laakiin wali tababarka buuxa lama qaadan xiddigaha intooda kale”ayuu Santos yidhi.

“Waxa suurtagal ah in uu ciyaaro, waan la hadli doonaa waxana aan eegi doonaa sida uu dareemayo, hadii ay xaaladu u muuqato in uuna ciyaari karin waxa uu ku laaban doonaa Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*