Xaalada Dhaawacyada Barcelona Oo Sii Xumaanaysa & Xiddig Kale Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada.

Xaalada dhaawacyada kooxda Barcelona ayaa maraya meeshii ugu xumayd kadib markii uu xiddig kale ku biiray Liiska dhaawacyada.

Fasaxa xulalka ayaa si weyn u dhaawacay kooxda Barcelona maadama ay xiddigo badan kaga dhaawacmeen kulamadii xulalkooda intii ay socdeen fasaxa xulalka.

Kooxda Barcelona ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka laakiin dhaawacyo ayaa hadheeyay intii ay xiddiguhu fasaxa xulalka ku maqnaayeen.

Xiddigaha Jules Kounde, Ronald Araujo, Memphis Depay, Frenkie de Jong & Ousmane Dembele ayaa dhamaantood ku dhaawacmay waajibaadka xulalkooda labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Laakiin xiddiga Hictor Bellerin oo aan waajibaadka xulkiisa aadin ayaa ku dhaawacmay tababarka kooxda Barcelona todobaadkan.

Xiddiga Bellerin ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhaawacmay kubka xilli uu ku jiray tababarka kooxdiisu isugu diyaarinayso kulamada soo socda.