Xaalad Deg-deg Ah : 17 Ciyaartooy Oo La Fasaxayo Iyo Goorta Tababare Quique Setién Shaqada Laga Joojinayo Oo La Ogaaday

Golaha maamulka kooxda Barcelona ayaa yeelanaya kullan la xariira aaya bixinta kooxda ka dib markii waji gabax ay kala kulmeen tartanka Champion-ka

Bayern Munich ayaa ceebeysatay Barca iyaga oo tartankaas uga reebay natiijo ah 8/2 xilli kooxda reer Jarmal si xarago leh isaga xaadiriyeen wareegga 4-ta

Wargeysaka Sport ayaa sheegaya in maamulka Barcelona ay maanta yeelanayaan kulan go`aano badan ay ka soo baxayaan oo ku aadan in is badal lagu sameeyo kooxdaas.

Wargeyskaas ayaa sheegaya in go`aanka ugu horeeya uu noqonayo in tababare Quique Setién xilka laga qaado waliba la magacaabo badalkiisa

Tababarayaasha u sharaxan in ay booskaas buuxin doonaan waxaa ugu horeeya macalinkii hore Tottenham Mauricio Pochettino, Algeri, Ronald Koeman iyo laacibkii hore Barcelona Henerry , sidoo kale Abidal ayaa laga yaabaa in uu waayo booskiisa xoghaynta

Dhanka kale waxa ay seefta qabaneysa ciyaartooyda kooxda oo illaa 17 laacib ayaa suuqa la dhigayaa waxaana ugu horeeya , Jordi Alba, Suarez , Sergio Busquets

Sidaas oo ay tahay wargeys kale ee Deportivo ayaa qoraya in tababare Ronald Koeman yahay macalinka ugu dhaw ee qaban doona shaqadaas Barcelona .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*