Willian, Sancho, Alcantara, Coutinho, Roberto, Grealish & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Aston Villa ayaa doonaysa in ay mushahar 100 kun oo Gini ah todobaadkii miiska u saarto kabtankeeda Jack Grealish si ay uga hor istaagto in uu ku biiro Man United (Sun).

Man City ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga kooxda Barcelona ee Sergi Roberto laakiin xiddiga ayaa iska diiday Dalabka Man City  (Manchester Evening News).

Goolhaye Dean Henderson ayaa Man United u sheegay in uu kaliya kooxda iman doono hadii ay u balan qaadaayaan booska Goolhayaha 1-aad ee kooxda (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa tdobaadka dambe dhamaystiri doonta saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Betis ee Aissa Mandi, (Mail).

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay lacag jaban ku heli karto xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Fc porto ee Alex Telles (Correio da Manhã).

Wakiilka Kia Joorabchian oo taageere u ah kooxda Arsenal ayaa doonaya in uu labada xiddig ee uu wakiilka u yahay ee Philippe Coutinho iyo Willian ku kulmiyo Arsenal (Sport).

Agaasimaha kooxda PSG ee Leonardo ayaa la xidhiidhay kooxda Bayern Munich isaga oo ku war galiyay xiisaha ay kooxdiisu u qabto saxiixa xiddiga Thiago Alcantara (Le10 Sport).

Kooxda Man United ayaa ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay Borussia Dortmund kuna saabsanaa Jadon Sancho kadib markii ay Dortmund diiday in ay hoos u dhigto qiimaha (Mail).

Kooxda Man United ayaa dalab 55 milyan ah ka gudbisay xiddiga kooxda Fiorentina ee Federico Chiesa kaas oo ay u doonayaan badalka Jadon Sancho (La Nazione).

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay dhamaystirto 3 saxiix oo kale kadib markii ay ku dhawaaqday saxiixa Nathan Ake (Sky Sport).

Kooxda Arsenal ayaa u baahan in ay iska iibiso xiddiga Henrikh Mkhitaryan ka hor inta ayna la soo saxiixan Willian (Sports Mole).

Kooxda Liverpool ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga daafaca kooxda Norwich City ee Jamal Lewis (Telegraph).

Shirkada soo saarta ciyaar gacmeedka PES 2021 Oo haatanba xaqiijisay in uu Willian ku biirayo Arsenal (Sun).

Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay Xiddiga khadka dhexe ee Idrissa Gueye dib ugu soo celiso Premier League (Star).

Kooxda Barcelona ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto daafaca Man City ee Eric Garcia marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Manchester Evening News).

Sii Akhriso: Dalka Gambia Oo Si Rasmi Ah U Aqoonsaday Somaliland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*