Willian Oo La Yaab Ku Tilmaamay Ka Tagistiisii Chelsea.

Xiddiga cusub ee kooxda chelsea ee Willian ayaa ka hadlay ka tagistiisii kooxda Chelsea intii lagu jiray suuqii xagaaga kala iibsiga.

Willian ayaa isaga tagay chelsea markii uu dhamaadya heshiiskii uu kula jiray Blues sidoo kale uu ka waayay hashiiskii uu doonayay in uu ku sii joogo kooxda.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa doonayay in uu sii joogo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge laakiin Chelsea ayaa diiday in ay miiska u saarto dalabkii uu doonayay.

Chelsea ayaa xiddiga miiska u saartay heshiis 2 sano ah laakiin xiddiga reer Brazil ayaa si cad u sheegay in uu doonayo heshiis 3 sano ah ugu yaraan.

Ugu dambayn Willian ayaa isaga tagay kooxda chelsea kuna biiray Arsenal waxana uu haatan markii ugu horaysay ka tagistii Blues suuqii xagaaga.

“Waxa ay kooxdu ogayd inta aan doonayo in aan sii joogo kooxda, waxa aan doonayay in aan halyeey ka noqdo kooxda laakiin waxa ay ahayd la yaab in aan ka tagay kooxda”ayuu Willian u sheegay Daily Mail.

“Laakiin Arsenal ayaa aad uga duwanayd, maalin walba way ila soo xidhiidhayeen waxana ay doonayeen in ay ila kulmaan run ahanatii si aad ah ayay ii doonayeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*