Willian Oo La Xaqiijiyay In Uu 2 Dalab Ka Haysto 2 Koox Oo Premier League.

Wakiilka xiddiga kooxda chelsea ee Willian Kia Joorabchian ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian uu laba dalab ka helay kooxo Premier League ka ciyaara.

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in horumar laga sameeyay heshiiska cusub ee chelsea dana waxa uu wakiilka xiddigu sheegay in aanay waxba ka jiri wararkaas.

Wakiilka xiddiga ayaa sheegay in 31 jirka reer Brazil oo horay loola xidhiidhinayay koo Arsenal iuo Tottenham uu laba dalab ka helay laba koox oo premier League ah.

“Uma malaynayo in uu badalay go’aankiisa mar walba si cad ayuu uga hadlay arinta”ayuu wakiilka xiddig u sheegay talkSPORT.

“Waxa xiddiga u yimid dalabyo waaweyn laakiin waxa uu doonayay in uu chelsea la dhamaysto xilli ciyaareedka”.

“Haatan waxa uu laba dalab ka haystaa 2 koox oo premier League iyo waliba dalabyo kale oo kooxaha reer yurub ah waxana uu go’aanka gaadhi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

Sii Akhriso:Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*