Willian Oo Kashifay Waxa Uga Niyad Jabsanyahay Qaab Ciyaareedka Mikel Arteta.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Willian ayaa qirtay in qaybo ka mid ah qaab ciyaareedka Mikel Arteta ee Arsenal uu si weyn uga niyad jabo laakiin sheegay in uu wax weyn ka baran doono tababare Mikel.

Xiddiga reer Brazil ayaa isaga tagay chelsea xagaagii isaga oo ku biray kooxda Arsenal kadib 7 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge waxana uu Gunners u ciyaaray 5 ka mid ah 6 kulan oo premier League ah.

Arsenal ayaan si fiican ku bilaaban xilli ciyaareedka iyada oo 3 kulan laga badiyay 6 kulan oo ay ciyaareen ilaa haatan.

Willian ayaana qirtay in la qabsiga shaxda Mikel Arteta in ay wakhti ku qaadanayso waliba kulanka dhexdiisa mararka qaar ka niyad jaba sida uu Tababaruhu u ciyaarsiiyo isaga oo aan xor u ahayn in uu hogaamiyo weerarka kooxda.

“Waxa ay ahayd khibra fiican, horay ulama shaqayn tababare qaab ciyaareedkan oo kale leh”ayuu Willian u sheegay Globo Esporte.

“qaabka tababaraha ayaa la macno ah in aanad xor u ahayn garoonka dhexdiisa waana in aad raacdo waxyaabaha uu tababaruhu kaa doonayo”.

Sii Akhriso: Somaliya Oo Ugu Dambayn U Jawaabtay Madaxweynaha France Oo Aflagaadeeyay Nabi Muxammed {N.N.K.H}

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*