Willian Oo Kashifay Sababta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedkiisa Xun Ee Arsenal.

Xiddiga garabka uga ciyaara Arsenal ee Willian ayaa kashifay sababta ka dambaysa qaab ciyaareedka xun ee uu kula bilowday kooxda Arsenal.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa ku biiray Arsenal kadib 7 sano oo uu la joogay chelsea isaga oo xagaagii si xor ah ugu biiray.

Laakiin xiddiga ayaan wax gool ah dhalin ama caawin samayn tan ilaa bishii Septmber ee ay la ciyaareen Fulham.

Xiddiga ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan oo uga timid taageerayaasha kooxda kuwaas oo dalbanaya in kaydka la dhigo.

Laakiin Willian ayaa sheegay sababta uu ugu dhibaatoonayo waxana uu yidhi”Hagaag, ma ahan wax fudud in aad kooxda badasho gaar ahaan marka aad koox la joogtid muddo dheer, waxa aan joogay chelsea 7 sano imaatinka Arsenal-na waxa ay igu qaadatay in aan la qabsado koox cusub, dad cusub iyo qaab ciyaareed cusub”.

“Anigu wali waxa aan la qabsanayaa kooxda waxana aan dareemayaa in aan si fiican wax u barayo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*