Willian Oo Ka Hadlay Wararkii La Xidhiidhinayay Barcelona Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Arsenal.

Willian ayaa sheegay inuusan ka warqabin wax dalab rasmi ah oo uga yimaada Barcelona oo ay ku doonaysay saxiixiisa xagaaga isaga oo sheegay Arsenal ay tahay kooxda kaliya ee dooneysa.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku biiray kooxda Arsenal suuqii xagaaga kadib 7 sano oo uu ku qaatay kooxda chelsea.

Willian ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Barcelona ka hor intii uuna ku biirin kooxda Arsenal.

Laakiin xiddiga 32 jirka ah ayaa sheega in uuna wax dalab ah ka helin kooxda Barcelona.

“Mar walba waxa jiray warar xan ah laakiin ma garanayo wax dalab Rasmi ah”ayuu Willian u sheegay FourFourTwo.

“Runtii waxa jiray warar badan oo ku saabsan labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay laakiin kumaan biireen sababta oo ah waa Barcelona”.

“Kumaan biireen koox aniga oo aan maqlin bartilmaameedyada kale iyo waxa ay iga doonayaan”.

“Waxa aan aaminsanahay in ay Arsenal tahay kaliya kooxdii i tustay sida aan ugu soo baxayo mashruucooda”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Qarax Ay 6 Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*